TACSI

TACSI TIIRAANYO LEH

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun

Waxaa si murugo leh loo sheegay geerida Imamkii degmada Awaare, Sheekh Ismaaciil Sheekh Abiib (رَحِمَهُ اللهُ).
Sheekhu wuxuu ahaa tiir-dhexaad bulshada, isagoo 25 sano ee la soo dhaafay dacwo ka waday Masjid Jaamaca Awaare, kana qeyb qaatay xalinta khilaafaadka iyo hagida ummadda.

Xafiisku  waxuu tacsi tiraanyo leh u diraysaa Ehelka,Qaraabada, ardaydii Sheekha iyo dhammaan bulshada Soomaaliyeed ee uu ka baxay sheekhu, gaar ahaan Cabdi Fataax SH ismaaciil oo kamida kaadirka xafiiska.
Waxaan Rabbi ka baryeynaa inuu Sheekha janno ku casuumo, naxariis ballaaranna ku siiyo.

Rabbi ha ka aqbalo ducadiisii iyo camalkiisii wanaagsan.
انا لله وانا اليه راجعون

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *